Shir Somalida u furamay iyo Xasan Sheekh oo dhoofaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Kulan gaar ah ayaa maanta [Axad, April 10, 2016] magaalada Muqdishu uga furmay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkan ayaa daba socda mid todobaadkii hore kusoo gaba gaboobey xarunta Dowladda Puntland ee Garoowe, kaasoo lagu go'aamiyey hannaanka lagu soo xuli doono xildhibaannada labada aqal ee Golaha Wakiillada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay shirka, wuxuuna sheegay in ajendayaasha ugu muhiimsan ee lagu gorfeyn doono kamid yihiin:

1.            Qaabka farsamo ee doorasahda madaxtinimada 2016 ku dhici doonto.

2.            Siyaasadda amniga qaranka.

3.            Iyo dib-u-eegista dastuurka.

Mudane Xasan ayaa tilmaamay in Soomaalidu xilligan gaartey biseyl siyaasadeed marka loo eego sidii ay ahaan jirtey sanado kahor.

"Maanta waa maalin kale oo muhiim u ah Qaranka Soomaaliyeed. Waddankeenu wuxuu ku tallaabsadey horumar dhinacyo badan leh, taasna waxan ku gaarney waa isku tanaasul iyo dulqaad aan muujinay. Waxaan rajeynayaa inaan meesha ka sii wadno dadaalkeena aan horay ugu dhaqaajineyno dalka si aan u helno Soomaaliya cusub oo ku dhisan nabad, horumar iyo barwaaqo"

Isu-tanaasul iyo dulqaad ayuu kula dardaarmey madaxda ka qayb gelaysa shirka Muqdisho oo ay kamid yihiin: Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axamed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shiriif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Munaasabaddii furitaanka shirka, waxaa sidoo kale si kooban uga hadlay Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna sheegay in xilligan lagu jiro ay lagama maarmaan tahay in si furan loo wada hadlo, si xal looga gaaro arrimaha lagu muransan yahay, kahor xilliga doorashada.

Xasan Sheekh oo dhoofaya:

Warar hordhac ah oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo maalinta berri ah u dhoofi doonaan dalka dibaddiisa. Safarka Madaxweynaha oon horay loo sii shaacin wuxuu kusoo aadayaa xilli shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo khuseeya masiirka dalka iyo doorasha 2016 Muqdisho ka socdo.

Dhinaca kale, waxaa la hadal hayaa inuu isna safrayo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, waxaana wararka uu helayo GO sheegayaan in tallaabadan ka xumaadeen madaxweynayaasha maamullada dalka.

Waxaa xusid mudan in sidan oo kale Madaxweyne Sheekh ugu duuley dalka Kenya, xilligii uu socdey shirkii kan ka horreeyey ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Kadib shirar dhowr ah oo ka kala dhacay magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Garowe, kuwaasoo looga arrinsanayey hannaanka lagu soo xuli doono xildhibaannada Baarlammaanka cusub ee Soomaaliya, waxaa ugu dambeyntii shir ka dhacay Garowe lagu heshiiyey in Xildhibaanada cusub lagu soo xulo habka 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles