Shir u dhaxeeya Madaxda DFS iyo maamullada oo Muqdishu ka furmaya

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Waxaa la qorshaynayaa in magalada Muqdishu ka furmo shir looga hadlayo doorashada 2016, kaasi oo u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo maamullada dalka.

Kulanka waxaa ka qayb galaya wufuud ka socota Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug.

Waxaa jira tabashooyin ay qabaan maamulada qaybtood, waxaana ka mid ah Jubbaland oo ka cabanaysa in dowladda Federaalka Somalia ku tilmaamayso weli KMG, halka ay jiraan tabashooyin uu qabo maamulka Puntland.

19-21 September ayay ahayd markii magalada  Muqdishu lagu qabtay shir gogol xaar u ahaa kan maanta furmaya, waxaana jiray khilaaf hareeyay inta uu socday, iyadoo ka soo baxeen war-murtiyeedyo is khilaafsan.

Arrintaasi ayaa weli taagan oo aysan jirin xal muuqda oo laga gaaray, waxaana macquul  noqon karta inuu saameeyo kulanka maanta.

Dowladda Somalia ayaa sheegaysa inay wixii tabashooyin ah ee jira si wadajir ah loo xallinayo balse muhiimadu tahay in la wadatashado.

Wixii ka soo kordha, waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM