Shirka Dastuurka oo Muqdisho ka furmay xilli Jubbaland qaadacdey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ka furmay mid kamid ah Hoteelada Muqdisho, kaasoo si gaar ah ugu kireysan dowladda.

Mas'uuliyiin ka kala socda maamul goboleedyadda, gaara ahaan Wasaaradahooda Dasuurka ayaa ka qeybgala kulanka, marka laga reebo maamulka Jubbaland, kaasoo horey u qaadacay ka qeyb-galka Shirkaan.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in shirka lagu casuumay xubno ka socda Xilldhibaanada BFS, wakiilada Beesha Caalamka, Ururada Bulshada, Khubaro, Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo qurba-joog Muqdisho u timid ka qeybgalka Shirkaan.

Xilldhibaan Xuseen Sheekh Maxamud, Xoghayaha Guddiga La-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka oo saxaafada u waramay kahor kulanka ayaa sheegay in kulanka uu socon doono saddex maalmood uuna soo gaba gabayn doono Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeenada Gollaha Shacabka ama Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay kulanka ka jeediyaan khudbado ku aadan dastuurka Soomaaliya.

Xilldhibaanka ayaa sheegay in shirka marka uu soo gaba gaboobo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan wixii kulanka leysku afgartay, islamarkaana lagu dhawaaqi doono inuu si rasmi ah u bilowday wax ka bedalka Dasuurka.

Dasuurka ay hada ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid KMG ah iyo Qabyo qoraal ah, waxaana ansiyay Ergo ka kala timid gobollada dalka 1-dii Agoosto ee sanadkii 2012.

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay ka qeybgalka Shirka, kadib markii dhawaan Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay la safatay Qadar.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM