Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo galay maalintii 5aad

Image
Maadaama aan wali laga heshiin qodobo xasaasi ah, ma cadda waqtiga uu shirka soo xirmi doono.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda golaha wadatashiga Qaran ayaa maanta oo Sabti ah mar kale yeeshay kulankoodii ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Is-araga ayaa la wariyey in ay falanqeyn iyo wadatashi ka yeesheen cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka.

Afhayeenka madaxtooyadda Puntland, Jaamac Dabraani oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa tibaaxay in hogaamiyeyaasha ay berri isku soo laaban doonan.

"Kulankii maanta ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, hadda ayuu soo dhammaaday waxaana socda latashiyadii ugu danbeeyay, Berito ayeey isu soo laaban doonaan waxaana qorshuhu yahay inay la kulmaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri.

Dhankiisa afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal ku daabacay ciwaanadiisa baraha bulshadda ayaa caddeeyay in doodaha ay sii socon doonan.

"Saaka oo Sabti ah waxa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ay sii wadaan kulankoodii ay diiradda ku saaranayeen arimaha doorashooyinka," ayuu ka dhawaajiyey Macalimuu.

Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa horay balan qaaday in dalka ka qabsoomeyso doorasho daaf-furan oo lagu kalsoon yahay iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee golaha shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM