Shirka Gollaha Wasiirada oo lagu ansixinayo magacaabidda Safiiro cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay kulankoodii Todobaad-laha ah ay ku yeeshaan Xafiiska Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shirka maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Gollaha uu ku ansixiyo magacaabidda safiirro cusub oo gaaraya ku dhawaad 10, kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magacaabidda danjiriyaashan ayaa ka dambaysay kadib markii dhawaan xilalkii laga qaaday in ka badan 11 danjire oo Soomaaliya u fadhiyay dalal ku yaalla Africa, Asia, America iyo Yurub.

Tan iyo markii uu Farmaajo xilka qabtay, waxa uu magacaabay Danjiriyaasha Turkiga, Qaraamda Midoobey, iyadoo ay wali banaan yihiin xilalka danjirenimo ee UK, Mareykanka, UAE, Kenya, Uganda, Qadar, China, Kuwait, Jabuuti, Zambia iyo kuwa kale.

Safiiradda horey loo magacaabay iyo kuwa cusub ayaa la sheegay inay yihiin shaqsiyaad qaarkood aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo, oo xilligii Ololaha doorashadiisa garab siiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM