Shirka Gollaha Wasiiradda oo ka furmaya Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirka Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in lagu qabto magaalada Baydhabo, ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka aan ka helayno Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in amaanka aad loo adkeeyay, islamarkaana uu socdo qaban-qaabada qabashada Shirka, iyadoo uu magaalada ku wajahan yihiin Ra'iisul wasaare Khayre iyo Gollahiisa Wasiiradda.

Shirka waxaa looga hadli doonaa arrimo badan, oo amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab ay kamid yihiin, waxaana uu noqonayaa Kulankii labaad oo lagu qabto meel ka baxsan Muqdisho.

Bishii July 13, 2017, waxa uu Shirka Gollaha Wasiiradda ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Xukuumadiisa waxay wajahaysaa hadda caqabo badan oo gudaha ah iyo khilaafyo, iyadoo ay xilalka iska-casileen labo wasiir oo kala ah Gaashaandhigga Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo Arrimaha Gargaarka Maryan Qaasim.

Labada Wasiir ee is-casilay ayaa sheegay inay ka shaqeysan waayeen faragelin Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ku hayay shaqadooda Wasaarada, iyo is-barbar yaac jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM