Shirka Gollaha Wasiirrada oo ku Kala Qaybsamay Isku-dhacyada Baydhabo

Image

Muqdisho – Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Maanta, kaddib markii wasiirro kala aragti duwan ay ka doodeen isku-dhacyadii ka dhacay magaalada Baydhabo saacadihii u dambeeyay.

Wasiirro matalaya dhinacyo kala duwan ayaa si kulul isugu khilaafay dhacdooyinka ka dhacay magaalada, kuwaas oo ay ku jireen rabshado shalay iyo maanta ka dhacay Baydhabo.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, ayaa ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed inay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, isla markaana ay beegsadaan Gurigiisa. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay maamulka inay tacaddiyo u geysteen askar ka tirsan Ciidanka dowladda.

Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Dowlaha Qorsheynta, oo la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa difaacay tallaabooyinka laga qaaday Baydhabo. Waxay sheegeen in ciidamadu ay ka hortageen kooxo isku dayay inay sameeyaan jid-gooyooyin iyo falal amni darro ah oo khatar ku ah nabadgelyada magaalada.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa muujiyay kala-qaybsanaan qoto dheer oo ka dhex jirta dowladda federaalka, taas oo ku saabsan sida loo wajahayo xaaladda amni iyo muranka siyaasadeed ee Baydhabo. Arrintan ayaa mar kale iftiimisay jilicsanaanta is-afgaradka hoggaanka dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo isbiirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muuqaallada Hollywood ma dhisi karaan mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed?

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku soo koray dal aysan ka jirin nidaam…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 01:38PM

Soomaaliya : Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta oo xoojinaya iskaashiga hubka

Laba ilo-wareed oo Maraykan ah ayaa WSJ u xaqiijiyey in Maraykanku fuliyey weerarka.…

  • Soomaliya

    01-09-2026

  • 11:35AM