Shirka hogaamiyaasha Somalida oo lasoo gaba-gabaynayo

Image

MUQDISHU, Somalia- Shirka madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo maamul goboleedyada uga socdo xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdishu ayaa galay maalintii labaad.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyo Madaxda maamullada Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland ayaa ka qeybgalaya Shirka.

Waxaa sidoo kale jooga Guddoomiyaasha labada Aqal ee golaha shacabka.

Madaxda ayaa Kulankooda diiradda ku saaraya Saddex Qodob oo kala ah;  Amniga Guud ee Dalka, Shirka London, iyo Isku Dhafka ciidamada maamul goboleedyada dalka, oo laga dhigayo ciidan Qaranka.

Arinta Shirka caalamiga ee London ayaa hareeyay kulankii shalay, waxaa la isku afgartay in dowladda dhexe looga dambeeyo siyaasadda dibadda, iyo shirarka caalamiga ah, sida uu qabo Dastuurka Somalia.

Kulanka ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta oo Axad ah lasoo gaba-gabeeyo, islamarkaana laga soo saaro War-murtiyeed ay u dhan yihiin Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada wadanka ka jira.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM