Shirka maamul u sameynta G. dhexe oo Dhuusomareeb loo wareejiyey

Image

March 24, 2014 (GO)- Shirka maamul u sameynta gobollada dhexe oo horay qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Cadaado ayaa loo wareejiyey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Odayaasha beelaha gobollada dhexe ayaa xalay kulan ay ku yeesheen Dhuusomareeb waxay kasoo saareen war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban kaasoo lagu sheegay in wejiga labaad ee shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe uu ka dhici doono magaalada Dhuusomareeb.

Go'aankan waxaa loo sababeeyey dhowr arimood oo kala ah: ammaanka Dhuusomareeb oo sugan marka loo eego Cadaado iyo degmada Dhuusomareeb laga heli karo dhammaan tasiilaadka shirku u baahan yahay sida: hoteelada, hoolalka shirarka iyo adeegyada isgaarsiinta.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM