​Shirka madasha wadatashiga oo dib u dhacay

Image

Waxaa dib u dhac labo maalin ah ku yimi shirka madasha watashiga Qaran ee la qorshaynayay inuu qabsoomo barri 20 Jun, 2016, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Dib u dhaca shirkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayso arrimo farsamo islamarkaana la isu imaan doono maalinta Arbacada ee 22 Jun, sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo madaxda uga sii horeeyay xarunta gobolka Baay.

Wuxuu ku macneeyay dib u dhacan mid ku yimi qaab aan lagu sii talo galin, isagoo xusay inay la xiriirto arrimo farsamo oo aan sidaas u waaweyneeyn.

Baaqashadan ayaa timi xilli wali aysan jirin cid katirsan madaxda Soomaalida marka laga reebo Jawaari oo tagay magaalada Baydhabo, waxaana shirkan la sheegay in lagu dhammaystirayo arrimaha wali ka harsan madasha looga hadlayay doorashada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar caafimaad Jarmalka ugu maqnaa ayaa dib u soo laabtay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda madaxdu tagaan magaalada Baydhabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM