Shirka mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka furmay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa maanta oo Khamiis ah [18-ka January, 2018] magaalada Dhuusamareeb ka furmay Shirweyne lagu mideynayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbadiisa furitaanka Munaasabada ku sheegay in maanta ay u tahay shacabkiisa iyo maamulkiisa maalin weyn, maadaama ay dib u midoobayaan deegaanno mudo sanado ah kala xirnaa.

Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamullada Puntland, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Xildhibaano heer Federal ah, wakiilada beesha caalamka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalaya Shirka.

Ahlu Sunna oo gacanta ku haysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa heshiis awood-qeybsi kula saxiixday Muqdisho Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle bishii December, 2017.

Dhanka kale, dibadbax loogu soo horjeedo Shirka ka furmay Dhuusamareeb ayaa ka dhacay maanta magaalada Cadaado, kaasi oo looga soo horjeedo Shirka ka furmy Dhuusamareeb.

Dibadbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli ay Cadaado ku sugan yihiin Xildhibaanno kasoo jèeda magaalada oo ku baxay xalinta cawashada dadka deegaanka ee ku aadan nidaamka awood-qeybsiga cusub ee Ahlu Sunna iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM