Shirka mideynta Galmudug iyo Ahlu Sunna oo ka furmay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa maanta oo Khamiis ah [18-ka January, 2018] magaalada Dhuusamareeb ka furmay Shirweyne lagu mideynayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa khudbadiisa furitaanka Munaasabada ku sheegay in maanta ay u tahay shacabkiisa iyo maamulkiisa maalin weyn, maadaama ay dib u midoobayaan deegaanno mudo sanado ah kala xirnaa.

Madaxweyne Farmaajo, Madaxda maamullada Puntland, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Xildhibaano heer Federal ah, wakiilada beesha caalamka iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalaya Shirka.

Ahlu Sunna oo gacanta ku haysa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa heshiis awood-qeybsi kula saxiixday Muqdisho Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle bishii December, 2017.

Dhanka kale, dibadbax loogu soo horjeedo Shirka ka furmay Dhuusamareeb ayaa ka dhacay maanta magaalada Cadaado, kaasi oo looga soo horjeedo Shirka ka furmy Dhuusamareeb.

Dibadbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli ay Cadaado ku sugan yihiin Xildhibaanno kasoo jèeda magaalada oo ku baxay xalinta cawashada dadka deegaanka ee ku aadan nidaamka awood-qeybsiga cusub ee Ahlu Sunna iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM