Khudbadaha laga akhriyey shirka wadatshiga Somalida [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

19 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Muqdishu ka furmay shirka madasha watashiga arrimaha Somalia oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda Federaalka Somalia, maamul goboleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somlia, xubno ka socda beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah.

Madashan ayaa looga dhawaaqay shirka ka dhacay Xamar 19-21 bishii September, waxaana diirada lagu saarayaa qaabkii loo wajihi lahaa marxaladda kala guurka iyo doorashada dhici doonta 2016.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday inay fulinayaan dhammaan talooyinka shirkan laga soo saaro, wuxuuna ka digay inaan madasha looga hadlin arrimaha aan khuseyn, balse qof walba fikirkiisa ka dhiibto waxa laga yeelayo doorashada 2016.

Hogaamiyaasha maamul goboleedyada ayaa dhinacooda ka hadlay madasha, waxaana madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu sheegay in Puntland aaminsan tahay in dalka la gaarsiin karo doorasho hal qof iyo hal cod ah , taasina u baahan tahay in laga dhabeeyo dadaalka hadda socda iyadoo laga tanaasulayo dan shakhsiyadeed isla markaana loo jihaysto in Soomaliya oo hore uga gudubta meesha ay hadda taagan tahay.

Dhinaca kale madaxda maamullada kale ee Somalia ayaa xusay inay muhiim tahay sidii looga wadashaqyn lahaa hormarka dalka iyo masiir umadda Somaliyeed

Khudbadaha ka dib ayaa la xulay guddi isku dhaf ah, kuwaasi oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan qaabka ay noqonayso doorashada ka dhici doonta Somalia sanadka dambe.

Shirka ayaa la soo gaba-gabayn doonaa maalinta barri ah oo taariikhu ku beegantahay  20 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM