Shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo barri ka furmaya Muqdisho

Image

Jan 9, 215 (GO)- Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku midaysan urur gobaleedka IGAD ayaa soo gaaray maanta oo Jimce ah magalada Muqdisho xarunta Somalia.

Maalinta barrito ah ayaa lagu wadaa shirka wasiiradda arrimaha dibadda ee IGAD inuu furmo kaasoo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo hormarka laga gaaray dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS la galeen kooxda Al-Shabab.

Sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Kenya, Uganda, Suudaan, Koonfur/Suudaan iyo Itoobiya kusoo dhaweeyay magalada Muqdisho.

Wasiiradda ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yahay 20-sano ka dib in shirkooda lagu qabto Soomaaliya oo ay sheegeen inay muhiimad gaar ah dadka Soomaalida ah ugu fadhido.

Amniga Muqdisho ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay la adkeeyay, meelaha sida aadka ah ciidanka u ilaalinayaan waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha, madaxtooyadda iyo wadooyinka soo gala.

Bayle oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay shirka inuu muhiimad gaar ah u lee yahay isla markasna uu socon doono mudo labo maalmood ah.

Madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhankiisa guul ku tilmaamay shirka IGAD oo mar kale Soomaaliya lagu qabanayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM