​Shirka Wasiirrada Somalia oo gordhow ka furmay magaalada Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Dhammaan golaha xukuumadda Somalia oo uu hogaaminayo Xasan Cali Khayre, ayaa shalay gaaray magaalada Kismayo xarunta gobolka Jubbada hoose.

Socdaalkaas oo la xariiray inay Kismayo ku qabsadaan shirka Khamiislaha ah ee golaha xukuumadda, ayaa lagu wadaa inuu furmo goordhow.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay shirka  maanta ka dhacaya magaalada Kismayo inuu yahay shirkii caadiga ahaa ee Todobaadkiiba mar ay isugu imaanjireen Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sidoo kale tilmaamay in kulankaan uu ka dhiganyahay in dowladdu ay u sii dhowaanayso shacabkeeda.

Waxaa kaloo jiri doona kulamo gaar gaar ah oo Ra'isal wasaare Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirrada ay la yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waa shirkii ugu horeeyay ee wasiirrada Somalia ku yeeshaan meel ka baxsan magaalada Muqdishu.

Tallaabadan waxaa durba soo dhaweeyay maamullada Puntland iyo Jubbaland iyagoo sheegay inay ka marag kacayso sida xukuumaddan ugu soo dhawaanayso maamullada dalka iyo shacabka intaba.

Dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Khayre ayaa horay u ballan qaaday inay dowladda gaarsiin doonaan waddanka oo dhan, waxayna hada wadaan qorshayaal ay xafiisyo kaga furanayaa xarumaha maamul goboleedyada qaybtood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM