Shirkad ilaalisa xafiisyada UN-ka ee Muqdisho oo la qarxiyey

Image
Lama ogga haddii xubno ka tirsan ilaaladda shirkadda uu dhaawac soo gaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo aroornimada Khamiista maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashadda ugu yaraan 8 qof oo rayid u badan, sida ay Garowe Online u sheegeen illo dhanka amniga.

Weerarka ayaa ka dhacay jidka madaxtooyaddii hore ee Cabdiqaasim. Illo boolis waxay sheegeen in lala beegsadey kolanyo ay leedahay shirkad maxali ah oo waardiyeysa xafiisyadda Qaramadda Midoobay.

Lama ogga haddii xubno ka tirsan ilaaladda shirkadda uu dhaawac soo gaarey. Balse, sarkaal boolis wuxuu xaqiijiyey in ay jirto waxyeelo daran oo soo gaartey 17 qof oo loo maleynayo in ay yihiin shacab wadada marayey.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku yaallo xarumo jaamacadeed. Mootooyinka Bajaajta ayaa aad u adeegsada jidka oo sanadkan dib loo furay. Xaqiiqooyinkan waxay sababayaan in waxyeeladda ay sii kordhi karto.

Ficiladda noocaan ah ee lala beegsado shaqaalaha hay'addaha ajnabiga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa caado ah. Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay dusha saartaan falalka noocaan ah ee ka dhaca caasimada.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida oo si deg-deg ah u sheegatay qaraxan ayaa ku tilmaamtay "ismiidaamin lagu beegsadey saraakiil caddaan ah oo kasoo baxdey xeradda tababarka ee Jeneraal Godan".

Sawirro laga soo qaadey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaarey iskuulka Mocassir. Muuqaaladda sidoo kale waxay tusinayaan boorsooyin iyo buug daadsan bartamaha iskuulka burburay.

"11 kamid ah ardayda iskuulka Mocassir ayaa ku dhaawacantay qaraxa. Qaar kamid ah xaaladooda way culus tahay. Balse, waxaan u rajeynaynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu yiri xubin ka tirsan maamulka dugsiga.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli joogitaanka ciidamadda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya wadahadalo laga yeelanyo iyo Soomaaliya oo guda gashay doorashooyin si weyn dib ugu dhacay oo masiirkooda la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM