Shirkii Amniga oo la soo gaba-gabeeyey iyo Qodobo laga soo saarey

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saarey War-murtiyeed lagu shaaciyay qodobadii lagu heshiiyay. 

Kulankan oo uu shir gudoomiyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qqeybgalay Ra'iisul Wasaare Khayre, madaxda maamul goboleedyada, Duqa Muqdisho, waxaana diiradda lagu saarey arrimaha xasaasi ah. 
 
Intii uu socday Shirka, waxaa aad loogu gorfeeyay arrimaha Amniga, Wadaagga Khayraadka, Doorashada 2020, isku dhafka iyo tayeyta Ciidamada xoogga dalka.
 
Shirkaan ayaa ah midkii 7aad oo ay yeeshaan Gollaha Amniga Qaranka oo la aas-aasey April 2017, waxaana hadda hogaamiyaasha dalka ay doonayaan in heshiis kama dambeys ah laga gaaro qodobadii horey looga hadlay.
 
Qeybsiga Khayraadka, Amniga iyo Nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto 2020 ayaa ah arrimaha ugu muhiimsan, ee looga hadlayay dhamaan shirarkii dhacay.
 
Filo War-murtiyeedka goordhaw.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM