Shirkii maalgashiga Soomaaliya oo Nairobi kusoo gaba gaboobey

Image
Image
Image

March 11, 2015 (GO)- Shir looga hadlayey maalgashiga Soomaaliya oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafey ka soconayey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa soo gaba gaboobey.

Shirka oo safaaradda Maraykanka ee Kenya soo qaban qaabisey waxaa kasoo qayb galay 150 shirkadood oo kuwa maalgashiga ah iyo 300 oo xubnood oo kala metelayey shirkadaha ganacsiga ee Soomaaliya iyo shirkado shisheeye.

Muddadii uu shirku socdey waxaa arrimihii looga hadlay ugu muhiimsanaa sidii looga faa'iideysan lahaa fursadaha maalgashiga ee ka jira Soomaaliya iyo weliba khayraadka dabiiciga ah ee ay Soomaaliya leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamullada kale ee dalka ka jira waxaa loogu baaqey inay siyaasad fufuran ka yeeshaan dhiirigelinta maalgashiga arintaasoo qayb libaax ka qaadan karta koboca dhaqaalaha.

Sidoo kale waxaa shirka lagu gorfeeyey sidii lagu heli lahaa tamar koronto oo qiimaheedu jaban yahay. Fikradaha ka qayb gelayaasha shirku soo jeediyeen waxaa kamid ahaa in laga faa'iideysto tamarta qorraxda iyo dabeysha oo si fudud looga heli karo meel kasta oo Soomaaliya kamid ah.

Shirka waxaa Puntland uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM