Go'aanno kasoo baxay Kulankii MD Farmaajo iyo Taliyaasha laamaha amniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxwayanaha Somaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.  taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.

Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka.

Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliiska Somalia General Bashiir Cabdi Maxamed ayaa Saxaafada uga warbixiyay waxyaabaha looga hadlay Shirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM