Shirkii Muqdisho oo lasoo gabagabeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa galabta lasoo gabagabeeyay Shirkii Mudada Labada maalmood uga socda magaalada Muqdisho hogaamiyaasha dowlada goboleedyada dalka, Madaxda dowladda Federaalka iyo wakiiladda beesha caalamka.

Shirka oo Madaxweyne Farmaajo uu shir gudoomiyay ayaa waxaa looga hadlayo wajigiisa kowaad amniga halka wajiga labaad oo maanta dhacay diidarada lagu saaray Siyaasadda, gaar ahaan doorashada 2020, dib u eegista dastuurka iyo arrimo kale.

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo Wakiilo kale oo beesha caalamka ka socday ayaa ka qeybgalay Shirkan, oo daba socday midkii lagu qabtay magaalada London bishii May ee lasoo dhaafay.

Intii u socday Kulanka, waxaa si aad ah looga dooday qorshaha amniga qaranka, kaasi oo dhamaan ka qeybgaliyaasha ay sheegeen inuu muhiim u yahay xiligan dalka, maadaama ay AMISOM ka baxaysa Soomaaliya wixi ka dambeeya bishan December.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay dib u dhisto ciidamada xoogga dalka, si dalka nabad loogu soo dabaalo, oo muwaadiniintana u helaan deegaan xasiloon oo ay ku noolaadaan.

Qoraal lagu lasoo dhigay Bogga Twitter-ka Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay ka shaqeyn doonto xasilinta Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM