Shirkii wadatashiga Jubbooyinka oo soo gaba gaboobay

Image
Image
Image
Image

October 5, 2014 (GO)- Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyey wejigii labaad ee shirka wada-tashiga beelaha jubbooyinka oo saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey ka soconayey magaalada Kismaayo ee xarunta Maamula jubbaland.

Shirka waxaa si rasmi ah usoo xiray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe, waxaana xafladda xiritaanka kasoo qayb galay diblumaasiyiin ka socdey Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo; dalalka Itoobiya iyo Japan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa guul ku tilmaamay in shirkaasi sidii loogu tala galay kusoo gaba gaboobay go'aamo wax ku ool ah oo khuseeya horumarka Jubalandna kasoo baxeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya loo jiheysan doono dhamaystirka Maamulka Jubba iyo weliba xoreynta deegaanada maamulkaas ka tirsan ee kooxda Al-shabab weli gacanta ku hayso.

Shirka oo furmay 16-ka bishii hore ee September, waxaa mudadii uu socdey xal looga gaaray in badan oo kamid ah khilaafaadkii ka dhex jirey qaar kamid ah beelaha dega gobollada uu Maamulka Jubbaland ka kooban yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM