Sidee Al-Shabaab u ugaarsataa saraakiisha dharcada NISA?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, ee Al-Shabaab ayaa Isniintii weerartay sarkaal dharcad sirdoon ah oo la shaqeeya Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka [NISA], oo madaxda sare ay u adeegsadaan aalad lagu qasbo laguna caburiyo mucaaradka iyo warbaahinta madaxa banaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableyda ay dileen afar ka tirsanaa ciidamada dharcadda ah ee NISA oo ku sugnaa agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi ee Muqdisho kaasoo ah weerarkii ugu dambeeyay ee lala beegsaday saraakiisha amniga ee dalka xilli dadku ay isku diyaarinayeen doorashooyinka iyo sanadka cusub.

Dablayda ayaa la sheegay in ay baxsadeen kadib falkaas. Laamaha ammaanka oo goobta yimid waxay sameeyeen baaritaan. Hadda way cadahay in Al-Shabaab ay dabagal ku hayeen saraakiisha balse gudaha Soomaaliya, ciidamada amniga waxay had iyo jeer ku jiraan khatar iyaga iyo hawlwadeennada dowladda.

Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay weerartaa ama ay diiradda saaraan bartilmaameedyadooda, weerarada gaadmada ahna waxay la xiriiraan amniga caasimadda oo sii xumaanaya iyadoo ay waddooyinka joogaan askar la sheegay in ay xasilin waddo kuwaasoo aad u fara badan.

War qoraal ah oo ay ku soo qoreen baraha faafiya wararkooda, Al-Shabaab waxa ay ku sheegteen in xubnaha la laayay ay ahaayeen afar. Marxuumiinta ayaan helin fursad ay isaga caabiyaan weerarka gaadmada ah. NISA ayaan si deg deg ah uga falcelinta toogashadda.

Howlwadeenada dharcadda ee NISA ayaa is-tusay xubnaha madax-jabiska Al-Shabaab ee magaalada ku sugan kadib markii lagu arkay dhowr muuqaalo oo laga soo duubay baraha bulshada iyagoo ka hortagaya banaanbaxyadda dowladda looga soo horjeeda isla markaana rasaas ku ridaya rayidka.

Dilka kahor, Garabka Sirdoonka Al-Shabaab ee loo yaqaan Amniyaadka waxay raadiyaan macluumaad ku saabsan shaqsiyaadka ay ugaarsadaan, halka ay ku nool yihiin, marka ay shaqo tagayaan, iyo wadada ay sidda joogtada ah u maraan.

Muddo sanado ah, Al-Shabaab waxay isku dayeysay inay ka takhalusto dowladda Soomaaliya ee taageerada ka hesha UN-ka balse ciidamada amniga ayaa is-hor-taagay.

Marka laga soo tago saraakiisha dowladda iyo ciidamada amniga, Al-Shabaab ayaa inta badan bartilmaameedsata dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ama kuwa xiriirka la leh dowladda.

Ku dhowaad 7,000 dagaalyahanno Al-Shabaab ah ayaa ku sugan Soomaaliya oo inta badan ku nool bartamaha iyo koonfurta dalka. Ciidamada amaanka ayaa ku guuleystey in ay qabsadaan magaalooyin dhowr ah oo istiraatiiji ah marka laga reebo dilka gaadmadda ah ee maleyshiyadda oo sanado badan dhibaato dhibaato ku ah waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Intee la egyahay Khasaaraha Ciidanka DFS kasoo gaarey dagaalka Sabiid iyo Caanoole?

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hawlgallo daba-gal ah ay weli socdaan si loo soo qabto dagaalyahanada Al-Shabaab ee kale.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 06:37AM

Dowladda oo Ciidamo diyaarado ku geysay Gedo Iyadoo Xiisad Ka Taagan Tahay Balad Xaawo

Isu-soo-baxa ciidamada labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in dagaallo kale oo hor leh ay ka qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    25-07-2025

  • 08:59AM