Sidee u dhacdey doorashada xubnihii u horeeyay Aqalka Hoose?

Image
Ra'iisul wasaare ku xigeenka xilgaarsiinta Guuleed ayaa ku biiray hay'adda sharci-dejinta dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kusoo baxay wareegga 1aad doorashadda kursigii ugu horeeyay ee Gollaha Shacabka kadib doorasho ka dhacdey magaaladda Muqdisho.

Sida uu shaaca ka dhigay guddiga maamulaya coddeynta, Mahdi ayaa helay 97 cod, waxaana uu ka adkaadey Mushtaaq Ibraahim oo heshay 3 cod, iyadoo uu hallaabey hal cod.

Waxay ahayd guul horey loo saadaaliyay, maadaama Mahdi Guuleed oo hormuud u ahaa hanaanka doorashadda Xildhibaanada Somaliland ee ka socota Xerada Gen Kaahiye ee Muqdisho.

Dhanka kale, Biixi Iimaan Cige ayaa ku guuleystay kursi xubin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ka dib markii uu ka guuleystay musharaxii la tartamay ee Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil 

"Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu helay 9 cod. Waxaa xumaaday hal cod," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Mudaneyaasha gobolada waqooyi ku metela baarlamaanka federaalka ayaa lagu doortaa Muqdisho maadaama aysan tagi karin degaanadooda oo 1991-dii looga dhawaaqay gooni-u-goosad.

Biixi ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay horey ugu fadhiyey isla gursiga uu maanta kusoo baxay, halka Mahdi uu bedelayo Xuseen Carab Ciise oo horey u soo noqdey wasiirka gaashaandhiga.

Sidoo kale, Xuseen oo ku eedeeyay Mahdi in uu ka boobay kursiga una diidey in uu tartan furan galo ayaa wuxuu horey u soo qabtey xilka ra'iisul wasaare ku xigeenka

Inkasta oo Somaliland ay sheegato in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, hadana waxaa caalamka u aqoonsan yahay in ay hoostagto Muqdisho oo ay joogaan wakiilo isugu jira mas'uuliyiin kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM