Siilaanyo: cidna ka yeeli mayo in nabadgelyada khal khal la geliyo

Image

November 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa shir jaraa'id ku qabtay madaxtooyada Hargeysa ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiillada Somaliland iyo rabshad dad ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen oo maanta degmada Burco ka dhacday.

Siilaanyo wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in khilaafka ka dhex aloosan Golaha Wakiilladu khatar geliyo ammaanka iyo xasiloonida guud ee dalka, arintaasoo sida uu sheegay mas'uuliyad darro ah islamarkaana aan loo dulqaadan karin.

Dhanka kale Madaxweyne Siilaanyo oo horay  guddoonka Golaha Wakiilladu ugu soo eedeeyeen inuu faragelin ku hayo shaqadooda ayaa iska fogeeyey arintaas kuna tilmaamay mid aan waxba ka jirin, taas isagoo ka hadlayana wuxuu yiri "waa khalad in guddoomiyuhu nagu eedooyo maalin kasta inaan faragelin ku hayno golaha, mana jirto".

Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland oo la filayey inuu maanta furmo ayaa baaqday, baaqashada fadhiga waxaa sabab u ahaa boolis tiro badan xarunta baarlamaanka lasoo dhoobay iyo xildhibaannada mucaaradka oo soo xaadiri waayey maadaama sida qorshuhu ahaa maanta la keeni lahaa mooshin ka dhan Guddoomiyaha Golaha Cirro.

Isla maanta waxaa xabsiga loo taxaabay ugu yaraan shan xildhibaan iyo dhowr weriye, kadib markii qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradku isku dayeen inay socod ku maraan qaar kamid ah jidadka magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

Dhanka kale shaqaaqo dad ku dhinteen ayaa ka dhacday magaalada Burco. Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo taageersan Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro ayaa isku dhacay.

Rabshadaas oo markii dambe lagu guuleystey in la xakameeyo waxaa ilaa hadda inta la xaqiijiyey ku geeriyoodey hal qof oo shacab ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay afar qof o kale oo iyaguna dadweynihii dibadbaxaas dhigayey ka mid ah.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo isna caawa arintan ka hadlay ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xaaladda dejiyaan lana dhawro dimuqraadiyadda iyo xasiloonida Somaliland kusoo caano maaleysey mudada dheer.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM