Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo Hargeysa tagay

Image

2 September, 2015(GO)-Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeyn jirtey midnimada ummadda Somaliyeed ayaa maanta lagu soo dhaweyay Hargeysa.

Buubaa ayaa sheegay inuu ka laabtey mabda'a uu horey u aaminsana ee ahaa midnimada Somalia, balse haatan uu  aaminay qadiyada Somaliland.

Waxaana  isagoo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradah Hargaysa uu sheegay inuu wixii hadda ka dambeya la shaqayn doono maamulka Somaliland oo la wadaagi doono wixii karti iyo aqoon ah ee uu leeyahay.

Siyaasigan aya xilal kala duwan horey uga soo qabtey Somalia, waxaan waayadii dambe uu ka noolaa magalada Dooxa ee dalka Qadar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM