Siyaasi lagu qarxiyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Image
Waa falkii ugu horeeyay oo liddi ku ah amniga tan iyo markii la doortey madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Qaraxaasi oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda ayaa wararka waxay intaas ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse warbixinadda qaar ayaa intaas ku daraya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay. Dowladda wali wax war ah kama soo saarin.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.

Warsidaha Garowe Online ayaa la hadlay dhowr sarkaal oo kamid ah booliska Soomaaliya si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca caasimadda tan iyo markii la doortey madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, oo wali ku mashquulsan dhismaha dowladdiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM