​Somalia: 11 katirsan Al Shabaab oo lagu dilay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Taliyaha Booliska maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Maxa'ed Is-xaaq Xasan, ayaa sheegay in 11 katirsanaa ururka Al Shabaab lagu dilay dagaal culus, oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud, oo qiyaastii 30Km Waqooyiga uga beegan magaalada Baydhobo.

Taliye Isqaax, ayaa sheegay in ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa ka socdo dalka Ethiopia, ee qeybta ka ah AMISOM ay la wareegeen Al Shabaab, markii ay uga adkaadeen dagaalka.

Wuxuu sheegay Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed in dhankooda looga dilay Dagaalka saddex askari, qaar kalena lagu dhaawacay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalada Baydhobo.

Dadka ku dhaawacmay Dagaalka Goofgaduud, waxaa kamid ah Col Maxa'ed Isxaaq Cara-Casse, oo ah ku xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al shabaab ayaa sidoo kale dhankooda Guulo ka sheegtay Dagaalka Goofgaduud, islamarkaana ay dileen 3 askari, oo uu ku jiro Sarkaal sare oo kamid ah militariga maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Deegaanka Goofgaduud, oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Al Shabaab iyo ciidamada Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa hadda waxa uu gacanta ugu jiraa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Taliska ciidamada Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay inay sii wadayaan howlgalka Al Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay maamulaan ee gobolada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM