​Somalia: 20 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Lafoole

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in gaari ay saarnaayeen dad shacab ah ku qaraxday miino dhulka lagu aasay, waxaana ka dhashay khasaaro xoggan.

Gaariga la qarxiyay ayaa siday 20 qof oo shacab ah sida ay sheegayaan wararka laga helayo mas'uuliyiinta deegaanka Lafoole, waxaana dhammaan dadkaasi ku dhinteen qaraxa Miinada oo ahayd nooca dhulka lagu aaso.

Mas'uuliyiinta degmada Afgooye, oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa sheegay inay baarayaan cidda qaraxa ka dambaysay iyo sababta loo beegsaday dad aan waxba galabsan, iyagoo intaasi raaciyay tacsi ay u direen dhammaan Ehelka dadkii ku waxyeelloobay miinadaasi.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda falkan, balse inta badan waxaa weerarada noocaan ah dalka Soomaaliya ka gaysata ururka Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda iyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM