Somalia: ​30 sarkaal oo tababar loogu diray Talyaaniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa maanta magalada Muqdishu xarunta Somalia lagu sagootiyay 30 sarkaal katirsan ciidamada Boliiska dalkaas, kuwaasi oo u baxay tababar aan la cayimin inta uu qaadan doono, balse kor loogu qaadayo xirfadooda shaqo.

Madaarka diyaaradaha caasumadda Somalia, waxaa ku sii sagootiyay taliyaha ciidanka Boliiska Somaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, wuxuuna sheegay inay ka go'antahay dowladda Somalia kor u qaadista iyo tayaynta laamaha kala duwan ee ciidamada dalka gaar ahaan Boliiska.

“Waxaa sharaf noo ah inaan sagootino saraakiisha sare ee ciidanka booliska oo muddo tababbar ku soo qaadan doono magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga, arritan waxa ay ka dambeysay booqashadii aan ku tegay bishii hore dalka Talyaaniga oo aan kula soo kulmay dhigeyga,"Ayuu yiri Xaamud.

Qaar kamid ah saraakiisha u dhoofay Talyaaniga ayaa ka hadlay dareenkooda waxayna tilmaameen inay ku faraxsanyihiin tababarka loo diray, iyagoo nasiib wanaag ku sifeeyay qorshahan soo laabtay 25 kadib.

Talyaaniga ayaa kamid ah waddamada xiriirka wanaagsan la leh Somalia, waxaana waddankaasi kamid ahaa dalalkii gumaystay Somalia gaar ahaan gobollada Koonfureed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM