Somalia: 32 qof oo ku dhimatay Biyo Sumaysan oo ay cabeen

Image

BAYDHOBO, Somalia- Ugu yaraan 32 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Biyo ay ka cabeen Ceel la sumeeyay, oo ku yaalla deegaanka Masuubiyow ee duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Deegaankaas oo 20KM u jira Baydhabo ayaa waxaa ku noolyihiin dadweyne isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa tagey deegaanka Masuubiyow, waxaana ay sheegeen in dad gaaraya 20 qof ay la xanuunsan yihiin Biyaha sumaysan ee ay ka cabeen Ceelka.

Waxay uga digeen dadka deegaanka inay cabbaan biyahaas inta laga sifaynayo iyagoo xusay inay dhawaan keeni doonaan adeegyo caafimaad oo kala duwan.

Wasaarada Caafimaadka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Qaar kamid ah dadka biyaha cabey ay xaaladoodu aad u liidato loona qaadey Isbitaallada magaalada Baydhobo, si noloshooda loo badbaadiyo.

Hooyo lagu magacaabo Amran Maxa'ed ayaa sheegtay inay labo caruur ah, oo ay dhashay kamid yihiin dadka u dhintay Biyaha ay ka cabeen Ceelka la sumeeyay.

Al shabaab oo dhawaan laga saarey Deegaanka Masuubiyow oo ku yaalla inta u dhaxayso Baydhobo iyo Deynuunay  ayaa loo malaynayaa inay sumeeyeen Ceelka si ay ugu dilaan Askarta maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM