Somalia: 65 qof oo cudur ugu dhintay gobolka Baay

Image

AWDINLE, Somalia- Ugu yaraan 65 ruux, oo carruur u badan ayaa 48-saac ee lasoo dhaafay cudurka shuban-biyoodka, ugu geeriyooday gobolka Baay deegaano katirsan, sida ay GO u xaqiijiyeen mas'uuliyiinta degmooyinka gobolka qaybtood.

Cabdullaahi Cumar, oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha degmada Awdiinle ee gobolka Baay ayaa xaqiijiyay geerida 65-ta qof oo uu sheegay inay ku dhinteen deegaanno Miyi ah, oo ku yaallo duleedka Baydhobo.

Wuxuu sheegay Cumar inay jiraan tobaneeyo kale oo uu soo ritay xanuunkan kuwaasoo la jiifa xaruumaha caafimaadka ee degmada Awdiinle, si wax looga qabto xaaladahooda caafimaad.

Mas'uulka ayaa Hay'adaha samafalka iyo dowladda Somalia ka codsaday inay gurmad bini'aadanimo gaarsiiyaan dadka u dhimanayo macaluusha iyo shuban-biyoodka ka dhashay Abaarta.

Todobaadkii tagey, 40 qof ayaa ku geeriyooday gobolka Gedo xanuun kan lamid ah, iyo gobolle kale oo kamid ah koonfurta dalka Somalia.

Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Todobaad hore shir-gudoomiyay Kulan ballaaran oo Hay'adaha QM iyo Deeq-bixiyaasha ay ka qeybgaleen, kaasi oo diiradda lagu saarey Abaarta iyo sidii looga hortagi lagaa Macluusha Somalia.

Shirka kadib, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalada masiibo qaran, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado dad gaaraya 6.2 Million oo qof.

Saddex sano oo roobabkii la filayay da'in, iyo webiyadii oo gurey oo is-biirsaday ayaa keenay inay dalka ka dillaacdo Abaar, taasi oo hadda QM ka digayso inay isku-bedesho macluul lamid ah tii sanadkii 2011. 

GAROWEONLINE


Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM