Somalia: Al Shabaab oo dishay labo nin oo ay ku eedeeyeen Kufsi

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Xoogaga Al Shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaa saaka meel fagaare ah ku dilay labo qof oo dhalinyaro ahaa, ka gadaal markii ay ku soo eedeeyeen inay kufsi geysteen.

Xukunkan dilka ah, ayaa ka dhacay gudaha degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu fuliyay Axmad Ibraahim Raagoow oo 29 sano jir ah iyo Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah.

Axmad Ibraahim waxaa lagu helay inuu haweenay ku kufsaday Beledweyne, islamarkaana uu dilay nin la dhashay oo isku dayay inuu ka badbaadiyo, waxaana lagu dilay dhagax, halka Yuusuf Cali Bajiin lagu helay inuu ku lug lahaa Kufsiga.

Yuusuf Cali Bajiin, oo sidoo kale Al shabaab ku eedaysay inuu kamid ahaa ciidamada dowladda Federaalka Somalia ayaa lagu fuliyay Dil toogasho ah, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Kooxda Al shabaab.

Dadka weyne aad u badan, oo caruur iyo haween ay kamid yihiin ayaa ka qeybgalay xukunka dilka ah, kaasi oo hogaamiyaal Al shabaab  ah, oo uu ku jiro Madaxa Kooxda ee Hiiraan ay goobjoog ahaayeen.

Malleeshiyada Al shabaab ayaa inta badan xukuno dil ah ku fulisa dadka ay ku eedayso Kufsiga, dhaca, Basaasnimo, Askarta katirsan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM