Somalia: Al-Shabaab oo weerartay Shalanbood Shabeellaha hoose

Image

Mallayshiyaad ka  tirsan ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Shalanbood ee gobolka Shabeellaha dhexe iyagoo gacanta ku hayay muddo kooban.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM, ayaa markii dambe la wareegay iyagoo iska caabin kala kulmay kooxdaasi.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay isku dhaca labada dhinac, laakiin lama hayo xaqiiqada rasmiga ah ee khasaaraha dagaalka.

Weerarkan, ayaa daba socda dagaallo joogta ah oo kooxda Shabaab ku doonayso inay kula wareegto meelaha ay dowladdu maamusho, waxaana dhawr jeer oo hore gobolka ka dhacay dagaallo kala duwan oo labada dhinac u dhaxeeyay.

Gudoomiyaha degmada Shalanbood oo weerarka ka hadlay, ayaa sheegay in xaaladdu dagantahay islamarkaana gacanta ku hayaan degmada, isagoo sheegay inay maamulkiisa ka go'antahay qaabkii gobolka looga saari lahaa mallayshiyaadka Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM