Somalia: Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay Hosingow

Image

HOSINGOW, Somalia - Ugu yaraan 7 Askari oo katirsan ciidamada militariga dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu dilay qarax ka dhacay deegaanka Hoosingow, ee gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaal Military oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maclin Gaas ayaa xaqiijiyay in qarax miino lala eegtay Kolonyo ciidamada AMISOM ay wateen, xilli ay kasoo gudbeen xadka Kenya kuna sii jeedeen Hoosingow.

Gaas ayaa sheegay in AMISOM weerarka looga gubay dhowr gaari oo kuwa ciidanka ah iyo hal Booyad.

Al shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada qaraxa miino ee ka dhacay deegaanka Hoosingow.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kolonyada AMISOM ay la socdeen ciidamo katirsan maamulka Jubbaland xilli weerarka, islamarkaana ay jiraan khasaarooyin soo gaarey.

Qaraxa kadib, ciidamada huwanta iyo Al shabaab ayaa dagaal kooban ku dhexmaray goobta, kaasi oo ay isku adeegsadeen hubka culus, oo daryankiisa laga maqlayay tuulooyinka ku dhaw Hoosingow.

AMISOM kama hadlin weerarka, oo kusoo beegmaya xilli Kenya ay sheegtay in 100 xubnood oo katirsan Al shabaab ku dishay deegaanada Wargaduud iyo El-Adde ee gobolka Gedo Jimcihii lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM