Somalia: Burcad Badeed afduubatay Markab Xamuul Siday

Image

Kooxo la sheegay inay katirsanyihiin Burcad Badeedka Somalida ayaa lagusoo waramayaa inay af-duub u gaysteen Markab Xamuul oo marayay bad-weynta Hindiya.

Afduubka ayaa dhacay maanta oo Sabti ah 08 Bisha Afraad, 2017, waxaa loo gaystay markab ku gooshayay calanka Jaziiradda Tuvalu oo ku taala koofurta badweynta Baasifika.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganaysa Sarkaal katirsan ciidamadda Badda Puntland, ayaa xaqiijisay in markabkan oo magaciisa lagu sheegay OS35 uu gacanta ugu jiro Burcad Somali ah.

Lama sheegin goobta lagu afduubtay iyo xilliga weerarku dhacay halka uu u socday Markabkaas.

Wali lama xaqiijin tirada dadka saaran iyo badeecada uu siday waxay ahayd, balse Shirkadda dhinac amniga badaha adduunkuna ayaa aaminsan in markabkan uu gacanta u galay burcad-badeed Somali ah.

Shirkadda Britian u qaabilsan howlgallada ganacsiga badda ee UKMTO, laanteeda qaabilsan gacanka cadan iyo badda cas, waxay sheegtay inay fariin ka heleen markabka  xili hore oo maalintii sabtida.

Waxay xuseen in shaqaalaha Markabka sarnaa ay ku wargaliyeen shirkadda in mallayshiyaad hubaysan ay kor usoo fuuleen islamarkaana la wareegeen maamulka Markabka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli la aaminsanyahay inay dib usoo laabteen falalkii burcadda kadib marii marakiib kala duwan la qafaashay bishan dhexdeeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM