​Somalia: Cabdi Xaashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, kadib coday Xildhibaanadu ka sameeyeen magaalada Muqdishu.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha aqalka sare oo ay u tartamay Labo Murashax oo lagu kala magacaabo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Maxa'ed Qoodax goor dhaweyd soo idlaatey, waxaana guushu raacday mudane Xaashi.

Doorashada waxaa cododkooda dhiibtay 52 Xildhibaan, waxaana wareegga 1-aad cododka ugu badan helay Murashax Cabdi Xaashi oo 43 cod, kaga adkaaday  Mustaf Maxa'ed Qoodax uu helay 9 cod.

Gudiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada iyo guusha uu gaaray Cabdullaahi.

Waxaa iminka socota codaynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya xubnahan;

Xasan Faarax Xujaale

Axmed Xaashi Maxamuud

Cabdiwaaxid Cilmi cumar

Abshir Maxamed Maxamuud

Cabdi Axmed Dhuxulow

Maxamuud Axmed Maxamuud

Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad;

Hodan Maxamuud Cusmaan

Osmaan Axmed Maxcow

Iftiin Xasan Baasto

fartuun Cabdulqaadir Faarax

Sacdiyo Xasan Cusmaan

Mowliid Xuseen Guuleed

Cabdikaafi Macalin Xasan.

GAROWEONLINE

GAROWEONLINE

Related Articles

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM