​Somalia: Cabdi Xaashi oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare

Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, kadib coday Xildhibaanadu ka sameeyeen magaalada Muqdishu.

Kursiga Gudoomiyaha Golaha aqalka sare oo ay u tartamay Labo Murashax oo lagu kala magacaabo Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Maxa'ed Qoodax goor dhaweyd soo idlaatey, waxaana guushu raacday mudane Xaashi.

Doorashada waxaa cododkooda dhiibtay 52 Xildhibaan, waxaana wareegga 1-aad cododka ugu badan helay Murashax Cabdi Xaashi oo 43 cod, kaga adkaaday  Mustaf Maxa'ed Qoodax uu helay 9 cod.

Gudiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada iyo guusha uu gaaray Cabdullaahi.

Waxaa iminka socota codaynta doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya xubnahan;

Xasan Faarax Xujaale

Axmed Xaashi Maxamuud

Cabdiwaaxid Cilmi cumar

Abshir Maxamed Maxamuud

Cabdi Axmed Dhuxulow

Maxamuud Axmed Maxamuud

Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka Labaad;

Hodan Maxamuud Cusmaan

Osmaan Axmed Maxcow

Iftiin Xasan Baasto

fartuun Cabdulqaadir Faarax

Sacdiyo Xasan Cusmaan

Mowliid Xuseen Guuleed

Cabdikaafi Macalin Xasan.

GAROWEONLINE

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM