​Somalia: Cali Gaab oo xilkii laga qaaday

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyihii ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee loo yaqaano Taraafikada ayaa xilkii laga qaaday, sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Cali Maxamed Xirsi (Cali Gaab), ayaa lagusoo waramayaa inuu si KMG ah u hayay xilkaas, iyadoo Teleefon loogu sheegay in jagadaas laga wareejiyay kadib markii uu lasoo xariiray Taliyahay ciidamada Booliiska Somalia, Jeneral Cabdixakiim Daahir Saciid.

Shaqada Taraafikada, waxaa lagusoo waramayaa inuu la wareegay Cali Maxamed Cali oo waddanka dibadiisa ugu maqnaa arrimo Caafimaad.

Cali Gaab ayaa booskan hayay saddexdii  bilood ee u dambeeyay kadib markii lagusoo magacaabay wareegto faraysay in mar kale loo dhiibay shaqadaas isagoo horay xilliyo kala duwan usoo qabtay.

Lama oga sababta keentay in laga wareejiyo iyadoo katagista booskaas loo isticmaalay Taleefon ahaan.

Mudane Cali Gaab, kama uusan hadlin sida uu arko in xilkii laga qaaday, iyadoo aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Somalia.

Warar ayaa sheegaya inuusan Jagadan u hayn rasmi ahaan, balse uu kusii simayay Cali Maxamed Cali oo Arrimo caafimaad xilkiisa u gudan kari waayay.

Mas’uulka shaqada laag eryay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay gobolka Banaadir, isagoo soo noqday taliyaha Booliiska gobolkaas, sidoo kale xilliyo kala duwan noqday Taliyaha Taraafikada, waxaana lagu tiriyaa mas’uuliyiinta ugu shaqada badan.

GAROWEOLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM