Somalia: Ciidamada AMISOM oo qabsadey Degmada Janaale

Image

MUQDISHO, Somalia- Ciidamada ka tirsan hawlgalka Amisom ee jooga Soomaaliya ayaa saakay galay magaalada Janaale ee gobolka Shabeelada Hoose, kadib markii ay Alshabaab ka tageen markii ciidamada ay u soo dhawaadeen magaalada.

Ciidamada Amisom ayaa dhowrkii maalmood ku dhawaanayay Janaale oo ay sanadkii hore isaga baxeen, kadib markii ay weerareen Alshabaab xero ay ku lahaayeen Janaale ciidamada Uganda. 

Lama sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay qabashada Amisom ee Janaale. Dhinaca kale, ciidamo aan la aqoonsan oo wata dhowr diyaaradood ayaa xalay saqdii dhexe hawlgal gaar ah ka fuliyay deegaanka Beerxaano. 

Deegaanka Beerxaano ayaa qiyaastiii konton kilometer u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaana haysata Alshabaab.

BBC

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM