​Somalia: Ciidamo Ajbani ah oo Howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

Image

KISMAYO, Somalia - Ciidamo Ajbani ah oo loo malaynayo inay kamid yihiin militariga Mareykanka, ayaa Howlgal ka fuliyay xalay deegaan ay maamulaan kooxda Al Shabaab oo ku yaallo gobolka Jubbada Hoose.

Wararka aan ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo wata diyaarado dagaalka tageen deegaan lagu magacaabo Kanjaroon, oo hoostaga Beerxaani.

Deegaanka Kanjaroon wuxuu 45KM dhanka Galbeed uga beeganyahay magaalada Kismaayo.

Dagaal mudo qaatay ayaa ka dhacay halkaasi, waxaana xigtay Duqeyn cirka ah, oo diyaarado ay leeyihiin ciidamada Ajbaniga ah u geesteen saldhigyo Al Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan deegaankaas ayaa sheegaya in hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab lagu qabtay howlgalka, sidoo kalena ay jiraan khasaarooyin kale oo soo gaarey dagaalyahanada Kooxda Al shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ku dhawaad 5 dagaalyahan oo Al Shabaab kamid ah lagu dilay Duqeynta Cirka ah ee ka dhacday duleedka Kismaayo.

Ciidamada Mareykanka ayaa Billooyinkii danbe kordhiyay weerarada qorsheysan ee ay ku bartilmaameedsanayaan saldhigyada Al shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta Somalia.

Kooxda Al shabaab wali kama aysan hadlin weerarka iyo khasaaraha la sheegay inuu soo gaarey dagaalyahanadeeda ku sugan Kanjaroon.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM