Somalia: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lala beegsaday

Image

AFGOOYE, Somalia - Qarax Miino ayaa waxaa duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose lagula eegtay Kolonyo gadiid military, oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in uu Qaraxa ka dhacay inta u dhaxeyso Deegaanada Arbacow iyo Ceelasha Biyaha.

Mid kamid ah baabuurta AMISOM ee Qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay inuu goobta ku gubtay.

Ciidamada AMISOM ayaa wararka sheegayan in qaraxa kadib rasaas xoogan fureen lama soo sheegin khasaaraha ay gaysteen.

Waxaa aad mashquul u ahaa wadada lagula beegsaday qaraxaan madaama magaalda Muqdishu kontroladeeda xirnaayeen maalmihii lasoo dhaafey.

Dhanka kale, dagaal u dhaxeeya Labo maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka qarxay deegaanka Muuri, oo ku dhaw degmada Afgooye.

Qaraxaan ayaa imaanaya maalin kadib markii uu dhamadey shirkii wadamada urur goboleedka IGAD kulan yesheen magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM