Somalia: Dagaal ka dhacay duleedka Balcad

Image

BALCAD, Somalia- Dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed, ayaa ka dhacay deegaano ku yaalla duleedka degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Dagaalka oo salka ku haya dhul-daaqsimeed iyo Ceelal Biyaha laga cabo, ayaa ka qarxay Tuulada Jameeca Misre, waxaana ku dhimatay afar qof oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in guryo badan oo ku yaallay tuulada dab la qabadsiiyay xalay, islamarkaana laga baraciyay boqolaal qoys oo hadda u cararay dhanka deegaanada nabada ah ee ku yaalla gobolka.

Odayaasha labada beelood ee dirirta u dhaxayso ayaa wada dedaallo lagu joojinayo dagaalka sokeeye, waxaana ay ku baxeen goobaha ay xabaddu ka socoto.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha maamulka Shabeellaha dhexe, oo ku aadan dagaal beeleedka dib uga qarxay duleedka degmada Balcad, oo 30KM dhanka waooyi uga beegan Muqdishu.

Inta badan dagaallada noocaan ah ayaa ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxayna salka ku hayaan muran ka dhashay daaqsin iyo ceel biyood

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM