​Somalia: Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dagaal culus, oo u dhaxeeyo Al Shabab iyo ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay duleedka magalaada Muqdishu, ee caasumadda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid markii Mallesshiyada Al shabaab ay gantaallo ku garaaceen saldhiga ciidanka Burundi ee deegaanka Arbacow, oo 2Km u jiro Ceelasha Biyaha, sida dadka deegaan u sheegeen GO.

Hugunka Madaafiicda iyo Hubka culus ayaa si aad ah looga maqlayay qeybo kamid ah Muqdishu, waxaana dadka deegaanka kusoo warameen inay jiraan khasaarooyin labada dhinaca kala gaaray.

Al Shabaab ayaa iska-caabin kala kulantay ciidamada AMISOM, waxaana ay ku fashilantay inay gudaha uu gasho saldhiga, oo askarta ku sugan la sheegay inay ka feejignaayeen weerarada noocan ah.

AMISOM iyo Al shabaab kama aysan hadlin dagaalka iyo khasaarihiisa.

Dagaalkan ayaa wuxuu daba socday mid maanta Al Shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray deegaanka Mirtuugo, oo ku dhaw degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux.

Al Shabaab ayaa xoojinayo weerarada ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Doorashada Madaxweyne, oo la filayo inay berri ka dhacdo magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM