​Somalia: Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Dagaal culus, oo u dhaxeeyo Al Shabab iyo ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay duleedka magalaada Muqdishu, ee caasumadda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid markii Mallesshiyada Al shabaab ay gantaallo ku garaaceen saldhiga ciidanka Burundi ee deegaanka Arbacow, oo 2Km u jiro Ceelasha Biyaha, sida dadka deegaan u sheegeen GO.

Hugunka Madaafiicda iyo Hubka culus ayaa si aad ah looga maqlayay qeybo kamid ah Muqdishu, waxaana dadka deegaanka kusoo warameen inay jiraan khasaarooyin labada dhinaca kala gaaray.

Al Shabaab ayaa iska-caabin kala kulantay ciidamada AMISOM, waxaana ay ku fashilantay inay gudaha uu gasho saldhiga, oo askarta ku sugan la sheegay inay ka feejignaayeen weerarada noocan ah.

AMISOM iyo Al shabaab kama aysan hadlin dagaalka iyo khasaarihiisa.

Dagaalkan ayaa wuxuu daba socday mid maanta Al Shabaab iyo AMISOM ku dhexmaray deegaanka Mirtuugo, oo ku dhaw degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan labo ruux.

Al Shabaab ayaa xoojinayo weerarada ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Doorashada Madaxweyne, oo la filayo inay berri ka dhacdo magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM