Somalia: Dagaal ka dhacay nawaaxiga Leego

Image

LEEGO, Somalia - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Al shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia ayaa saaka ka dhacay inta u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Malleeshiyada Al shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo marayay duleedka deegaanka Leego, sida ay dadka deegaan u sheegeen Warsidaha GO.

Dagaalka ayaa ku billowday qarax miino oo dhulka lagu aasay, waxaana xigay dagaal mudo daqiiqado ah qaatey, kaasi oo sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Al shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen dhowr Askari, gaadiidna ay ku gubeen.

Saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose, oo aan xiriiro la sameynay ayaa ka gaabsaday inay fahfaahin ka bixiyaan weerarka gaadmada ah ee ka dhacay Leego.

Al shabaab ayaa xalay madaafiic ku garaacay saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka ah ku leeyihiin deegaanka Balli-doogle, oo dhaca duleedka waqooyi ee degmada Wanlaweyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM