​Somalia: Dagaal khasaaro geestay oo ka dhacay gobolka Bakool

Image

XUDUR, Somalia - Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay, 12 kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo Ciidamada dowladda FS iyo Al shabaab ku dhexmaray gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka uu yimid markii Al shabaab ay weerar kusoo qaadey saldhigooda deegaanka Ceel-lahelay, oo ku dhawaad 20KM dhanka galbeedka uga beegan magaalada Xudur.

Dagaalyahanada Al shabaab ayaa Saldhigga ka weeraray dhowr jiho, iyagoo adeegsanaya Qoryaha daran-dooriga u dhaca, Baasuukiyaal iyo Bambooyinka gacanta.

Weerarka ayaa isku bedelay dagaal toos ah, oo socdey mudo ku dhaw Hal saac, kaasi oo galaaftey nolosha ugu yaraan 5 qof oo labada dhinac ah, iyo dhaawaca 12 ruux 0o kale.

Ma jiraan khasaarooyin shacabka deegaanka Ceel Lahelay kasoo gaarey Dagaalka.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo Al shabaab oo ku aadan Dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM