​Somalia: Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay Iidaale, gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa weerar ku qaaday fariisin mallayshiyaadka Al Shabaab ku lahaayeen deegaanka Iidaale oo katirsan gobolka Baay.

Iska hor-imaad dhexmaray labada dhinac ayaa sababay geerida 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaallamay.

Generaal Ibraahim Yarow oo ah taliyaha ciidanka xooga dalka ee qeybta Lixdanaad ayaa xaqiijiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cara-Cas, ayaa xusay in weerarkaasi ahaa mid aan lagusii talo galin, wuxuuse sheegay inay dadaal ugu jiraan qaabkii Al Shabaab looga sifeyn lahaa gobolka.

“Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed waxay weerar qorsheysan oo gaadmo ah ku qaadeen nimankii Al Shabaab ahaa meel ay ka degenaayeen Iidaale, ayaga ma filaneyn, khasaare ayaga ayuu u badan yahay, dhimashada waa 7 qof ,”Ayuu yiri Cara-cas.

Ururka Al Shabaab kama hadlin dagaalkaasi.

Weerarkan ayaa yimid xilli ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Somalia gobolka Baay ka bilaabeen weeraro ka dhan ah kooxda Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo billowday ololaha oorashadda Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka

Qaar kamid ah siyaasiyiinta damacsan xilalka cusub ayaa sidoo kale wajahaya caqabado gudaha beelahooda ah.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 05:37AM

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM