Somalia: Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku dhiibay

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasiirka Gaanshaadhiga Somalia Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in tiro ka badan 50 Dagaalyahan oo kasoo goostey Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Xoogga dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Labadii Dagaalyahan ee ugu dambaysay ay iska dhiibeen shalay deegaanka Laanta Buuro, iyagoo ka yimid dhanka Tuulada Gandershe, oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. 

"Kuwa maanta aniga gacantayda kusoo wareejiyay waa Labo dhalinyaro oo dad'doodu u dhaxaysa 20 illaa 24, kuwaasi oo kasoo goostey Gandershe oo ku dhaw Marka," ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somalia. 

Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka in ay jiraan dhalinyaro kale oo iska dhiibay gobollada Koonfurta, gaar ahaan Hiiraan iyoo Baay, oo hadda ku jira gacanta dowladda, lana geeyay goobo lagu dhaqan celinayo. 

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in cafis loo fidyay dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab, ay soo kordhayeen dagaalamiyaasha isasa soo dhiibaya. 

Si kastaba, Al shabaab kama aysan hadlin warka Wasiirka Gaashaandhigg, ee ku aadan dhalinyarada isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM