​Somalia: Diyaarad laga leeyahay Maraykanka oo ku bur-burtay garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaarad yar oo ay leedahay Shirkadda Bancroft ee dhanka ammaanka qaabilsan ayaa saaka ku burburtey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdishu, ee Caasuamada Somalia.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Diyaaradda nuuceedu yahay Dornier 328jet, taasoo  ku dhacday Gegida ay ku degaan Diyaaradaha, kadib markii Lugaha u bixi waayeen, cilad ku timid agweed.

Ma jirto Khasaare kasoo gaarey dadkii la socday oo lagu sheegay  4qof, oo ahaa khubaro dhanka ammaanka qaabilsan.

Dadka Bad-baaday ayaa la shaqeeya  Shirkadda Bancroft. Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay in diyaaradda soo dirtay fariin deg deg ah oo ku saabsan inay jirto cillad.

Dadkan ayaa bad-baaday kadib markii Diyaaraddu samaysay degitaan khatar ahaa.

Sawirro lagasoo qaaday Diyaaradda ayaa muujinaya bur-bur soo garay qaybo kamid Jet-kaas.

Bancroft waxaa laga leeyahay dalka Maraykanka, xarunteeduna waa Washington, waxayna ka shaqeysa arrimaha Ciidanka iyo amaanka, iyadoo heshiis kula jirta AMISOM oo ay siiso taabaro iyo taageero kale.

Maaha markii ugu horaysay diyaarad ku dhacdo garoonka Muqdishu oo Saddex Maalin kahor ku dagi weyday diyaaradda Turkish Airline.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM