​Somalia: Diyaarad laga leeyahay Maraykanka oo ku bur-burtay garoonka Aadan Cadde

Image

MUQDISHU, Somalia- Diyaarad yar oo ay leedahay Shirkadda Bancroft ee dhanka ammaanka qaabilsan ayaa saaka ku burburtey Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdishu, ee Caasuamada Somalia.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Diyaaradda nuuceedu yahay Dornier 328jet, taasoo  ku dhacday Gegida ay ku degaan Diyaaradaha, kadib markii Lugaha u bixi waayeen, cilad ku timid agweed.

Ma jirto Khasaare kasoo gaarey dadkii la socday oo lagu sheegay  4qof, oo ahaa khubaro dhanka ammaanka qaabilsan.

Dadka Bad-baaday ayaa la shaqeeya  Shirkadda Bancroft. Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay in diyaaradda soo dirtay fariin deg deg ah oo ku saabsan inay jirto cillad.

Dadkan ayaa bad-baaday kadib markii Diyaaraddu samaysay degitaan khatar ahaa.

Sawirro lagasoo qaaday Diyaaradda ayaa muujinaya bur-bur soo garay qaybo kamid Jet-kaas.

Bancroft waxaa laga leeyahay dalka Maraykanka, xarunteeduna waa Washington, waxayna ka shaqeysa arrimaha Ciidanka iyo amaanka, iyadoo heshiis kula jirta AMISOM oo ay siiso taabaro iyo taageero kale.

Maaha markii ugu horaysay diyaarad ku dhacdo garoonka Muqdishu oo Saddex Maalin kahor ku dagi weyday diyaaradda Turkish Airline.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM