​Somalia: Dowladda oo ka hadashay weerarka Awdheegle

Image

Wararka sheegaya in ciidamada dowladda Somalia fuliyeen weerarkii dhacay habeenkii Talaadada degmada Awdheegle gobolka Shabeellaha hoose, waxaa xaqiijiyay taliska ciidanka xoogga dalka Somalia iyagoo sheegay in lagu dilay sarkaallo sare oo katirsan kooxda.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Somalia Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar oo la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyay in dagaalka wada galen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Somalia isagoo xusay inay taageero ka helayeen kuwa Maraykanka.

Cali Baashi, ayaa xusay inay dileen xubno sar-sare oo katirsan kooxda Shabaab, wuxuuna intaasi raaciyay inay dileen dagaal-yahanno kale oo maydkooda goobta uga soo tageen.

Abaanduuluhu, wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Somalia u tababaranyihiin howlgalladan oo kale isagoo qeexay inay tasiilaad kala duwan ka helaan dowladda Maraykanka.

Ilaa hadda majirto tirada rasmiga ah ee weerarka ku dhimatay, balse sarkaal dowladda katirsan aya sheegay inay dileen ku dhawaan 15 katirsan kooxda Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM