Somalia: Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday gobolka Shabeellaha Hoose

Image

TORATOROW, Somalia - Diyaarado Dagaal, oo loo maleynayo inay ku lug leeyihiin Ciidamada Mareykanka, ayaa Duqeyn dhanka cirka ah waxay ka fuliyeen Degmada Toora-Torow, ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Diyaaradaha ay bartilmaameedsadeen dhowr Gobood, oo saldhigyo u ah Al shabaab, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Horjoogiyaal sare oo katirsan Kooxdan Jihaad-doonka ah.

Duqeynta ayaa dhacday Xalay Saqdii Dhexe, waxaana lagu soo waramayaa inay ay Khasaaro aan cadadkeeda la ogeyn ay gaarsiisay Al shabaab, sidoo kalena lagu burburiyay Bakhaar hub yaallay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha maamulka Shabeellaha Hoose, oo ku aadan weerarka, oo la sheegay in Diyaaradaha fuliyay kasoo duuleen Saldhigga Mareykanka ku leeyahay Balli-Doogle.

Duqeynta ayaa dhacday saacadi kadib markii Ciidamada Dowladda, iyo AMISOM oo taageero ka helaya Militariga Mareykanka ay Duulaan ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan Deegaanno ku yaalla gobolkaasi.

Al shabaab ayaa dib ugu laabtey isla shalay Goobihii laga saarey, oo ay kamid yihiin Bariire, Beledul-Amin, Mubarak, Janaale, oo dhamaantood ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Lambar-konton.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM