Somalia: Eedaha Dalsoor Media Halka ay Salka ku Hayaan
Cilmi-baaris ay Sameysay Hay’ada Centre of Social and Organisation Studies CSOS.
Hordhac
Maclumadka Centre of Social and Organisation Studies (CSOS) ay soo ururisay oo isugu jirta raad-raac muqaalo iyo falanqayn warbixino sugan leh, ujeedada ka dambaya baaris cilmiyeedka waxay tahay mid lagu saxayo ama loogu soo ban-dhigayo macluumad waafiya aragtida bulshada ku dhaqan Puntland iyo guud ahan Somalia. Cilmi baaristan ayey soo diyaarisey CSOS ka dib markii si ula-kaca loogu baahiyey warsidaha Xogdoonnews, barta Facebook ka ee Dalsoor iyo barta Twitter ka ee Dalsoor, warbixino xambarsan maclumad khaldan oo ka dhan ah hay’adaha samafalka ku hawlan.
Tarikhdu markey ahayd 14 April 2016 ayaa saxufi Jamal M. Osman eedayn culus aan lahayn sababeen rasmiya dusha uga tuuray hay’ad caalamiya oo mugweyn ku leh dhinaca sama-falka ee Puntland ‘World Vision’. Eedaynta Dalsoor ee hay’ada u soo jeedisay waxay timid markii ay hay’adu soo xayeysiisay shaqo sharuudaheeda ka mida tahay qofka shaqada soo codsanya inuu yahay qof diinta Masiixiga (Christian) haysta, sababta ay hay’adu sharuuda ugu xirtey Dalsoor ma cadeyn fasirka ay bixisayna waa mid iyada kaliya gaar ku ah sida CSOS ku ogaatey intey baaris cilmiyeedka ku guda jirtey.
Dhinaca kale waxa cad dawlada Puntland in ay san qaadan kaalintii kaga toosneyd hay’ada heshiis dawladeed ku joogta Puntland islamarkasna lagu been abuurtey hay’ada World Vision lagana dhigey mid fidineysa diinta Christian oo ay ka weecatey u jeedkii ruqsada iyo wada shaqeynta loo siiyey. Eedaynta ‘Dalsoor’ oo xambaarsan aragti xag-jirnimo laga dhex arki karo, waa mid khatar wax-yeelo u soo jiidi karta, sida darteedna dad wax-ma-garad ah fal arga-gixisa ay kula kacaan xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo shaqaalaheeda Puntland ku sagan. Eedaynta Dalsoor soo jeedisay Centre for Social and Organisation Study (CSOS) waxay u aragtaa inay tahay mid lagu abuurayo amni daro xili ay Puntland dagaalo kula jirto qolyo arga-gixiso caalimaya ah.
Waa kuma Jamal
Jamal wuxuu mudo 7 sano ku dhaw ka soo shaqeeyay inta badan ka soo shaqeeyey Saxaafada Channel 4 oo laga leeyahay dalka Birtian, intuu shaqada saxafada (media) Jamal ku guda jiray, waxa uu ku guuleystey abaal marino kala duwan 2009 – 2012;
Akhri Warbixintaan Oo Dhameytiran: Jamal.pdf
Tel: +61456390613 Email: csos.org@gmail.com Name: Centre Social and Organisation Studied.
Fiiro Gaar Ah: Aragtida warbixintaan kama tarjumayso fikirka warsidaha Garowe Online balse waxay gaar ku tahay hay'ada kor ku saxiixan.