Somalia: Gacan ka hadal dhex-maray Barlamanka Galmudug

Image

CADAADO, Somalia- Baarlamaanka  Galmudug ayaa dib u dhigay Maanta oo Sabti ah Doorashada Madaxweynaha maamulkaasi, oo la filayay inay dhacdo 28-ka Bishan Maarso.

Kulan ay Cadaado isugu yimaadeen Xildhibaanada ayaa lagu go'aamiyay in Doorashada laga dhigo 10-ka Bisha April, kadib codsiyo uga yimid murashaxiinta qaar.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa shir gudoomiyay Kulanka maanta ka dhacay Cadaado, kaasi oo ay soo xaadireen Xildhibaanno gaaraya 52 mudane, kuwaasi oo isku-khilaafay muddo kordhinta cusub.

Gacan ka hadlay keenay in qaar kamid ah Xildhibaanada Ilkaha laga tuuro ayaa ka dhacay kulankii maanta ee golaha Barlamanka Galmudug

Isu imaatinkan  ayaa markii dambe lagu go’aamiyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug dhacdo 10-ka April, kadib markii sidaasi u codeeyeen 31 Xildhibaan.

Xildhibaano  kale oo gaarayay 21 mudane ayaa u codeeyay in 20-ka April laga dhigo.

Maamulkan la unkay 2014, waxaa la degay qalalaaso siyaasadeed iyo khilaaf xooggan, iyadoo Madaxweynihii ugu horeeyay Cabdikariim Xuseen Guuleed uu  iska-casilay Xilkan Bishii February, markii Xildhibaanada ay ka keeneen Mooshin kalsooni kala laabasho ah.

Ra'iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan ku baaqay in mudo 45 maalmood ah dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug, si fursad ay ugu heleen wasiirrada cusub inay ka qeyb-qaataan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM